Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ku heshiiyey midaynta canshuuraha dalka

859

Shirka wadatashiga ee xoojinta wadashaqeynta  iyo dhameystirka  habka mideynta canshuraha dalka oo Muqdisho laba maalmood uga socday, wasiirka maaliyadda xukuumadda FS iyo wasiirada maaliyadda dawlad goboleedyada ayaa dhammaadkiisa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan waxya abahi la isla meel dhigay, waxaana ka mid ahaa.

  1. in madasha wasiiradda maaliyada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan habamii usocodka hawlaha gudiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta maamulka maaliyada ee dalka.
  2. In la mideeyo sharuucada caanshuraha  iyo siyaasadooda guud kaaso ka
    soo bilaabanaya golyaasha dowlad gobaledyada ka hor inta aan la horgeynin  golyaasha dowlada waana inuu waafaqaa sharuucda maaliyadeed ee dowlad gobaledyada.
  3. in shir deg deg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha August dhexdeeda si looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha.
  4. In la casiriyeeyo dhammaan maamulka iyo maaraynta canshuuraha (Automation of Inland Revenue).
  5. In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaas oo noqonaya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad
    goboleedyada iyo dawladda Federaalka.Ku simaha gudomiyaha Gobalka Benaadir ahna gudomiyaha maamulka iyo maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa shegaay in ka gobal ahaan ay aad uu soo dhawenayaan in la mideyo canshuuraha dalka si loo gaaro nidaam maaliyadeed oo daah furan, islamarkaana samaynaha kobac dhaqaale.                                                                                                                                                                                                                          Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukumadda soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle  ayaa shegaay iney  diyaar uu ayhiin dhamestirka mideynta  caanshuraha dalka, taasoo horumarineysa nidaamka dhaqaale ee dalka