Dowladda Ethiopia oo dhul lagu murunsanaa siisay wadanka Eritrea

179

Guddiga fulinta ee isbaheysiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay inay u hogaansami doonaan heshiiska Algiers ee lagu xukmay xuduudda kala qeybisa Eritrea iyo Ethiopia.

Beesha caalamka ayaa taageertay go’aankan oo la saxiixay sanadii 2002, waxaana labada dhinac ay ogolaadeen inay u hogaansamaan xeerarka golaha xuduudaha ee QM.

Hase yeeshee Ethiopia ayaa is-hortaagtay kala qeybinta xuduudda, waxaana taas ay dhalisay 16 sano oo xiisad colaadeed ah iyo dagaallo dhex-maray labada dal ee deriska ah.

EPRDF ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen talaadadii uu yimid kadib markii ay dib u eegeen xaaladda Ethiopia iyo Eritrea, sidaas darteedna ay go’aansadeen in la joogteeyo nabadda dadka labada dal.

Magaalada Badme oo xuddun u ahayd dagaalka labada dhinac ayaa guddiga siiyey Eritrea, waxaana sanado badan kadib ay Ethiopia hadda aqbashay in Eritrea ay qaadato magaaladaas

SHARE