Dhusamareeb – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb Federaalka caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta ciidamada Ahlu Sunna si ay uga mid noqdaan ciidanka Xoogga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qaybgalay xafladda daah-furka diiwaan gelinta ciidanka dowladdu ay kala wareegtay Ahlu Sunna Waljameeca, ayaa u mahadceliyay Ahlu Sunna iyo guud ahaan hoggaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay direyso farriin cad oo ah in ay astaan u tahay qaranka iyo dowladnimada.
Ra’iisul Wasaaare Kheyre ayaa sheegay in askari kasta ee la diiwaan geliyo uu xuquuqdiisa ka helayo dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna iyana ay ka mid noqonayaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee xoogga dalka, ayna ka howl gelayaan deegaan kasta oo dowladdu u dirto in ay ka shaqeeyaan.
Ciidamada Ahlu Sunna ee diiwaan gelinta maanta lagu billaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay ciidanka qalabka ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan welinta habka ee loo yaqaano Bio-metric kaas oo horseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo.
Xafladda daahfurka waxaa goobjoog ka ahaa madaxa fulinta Ahlu sunna, xildhibaanno, wasiirro, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo.