Dowladda Ciraaq ayaa bandow kusoo rogtay magaalada caasimadda ah ee Baqdaad ilaa iyo amar dambe.
Amarkaan ayaa imaanaya iyada oo magaalaada Baqdaad ay hareeyeen dibbaxyo cusub oo ka dhan ah dowladda Ciraaq.
Ilaa iyo 60 qof ayaa ku dhimatay rabshadihii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Baqdaad.
Bandowga oo dhaqan galaya saqda dhexe ee habeenkii kuna eg 6da subaxnimo ayaa lagu dhawaaqay isniintii sida uu baahiyay Telefeshinka qaranka Ciraaq.
Markii lagu dhawaaqay bandowga ayaa dad faro badan waxay iskugu yimaadeen fagaaraha Taxriir ee Baqdaad, halkaas oo afartii bari ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen dibadbaxayaaal ka soo horjeeda dowladda Ciraaq.
Dibadbaxyada oo ah kuwa rabshado wata ayaa ilaa iyo hadda sababay dhimashada 60 qof . Dowladda Ciraaq ayaa ku daadisay goobaha ay ku sugan yihiin dibadbaxayaasha ciidanka la dagaalanka argagixisada oo la faray in ay dadka kala dareeriyaan si kasta oo ay awoodaan.
Dhismayaal kala gedisan oo ku yaalla dalka Ciraaq ayaa dab la qabadsiyay taas oo muujineysa caro ka dhan xukuumadda Ra’iisul wasaare Caadil Cabdul Mahdi.
Dibadbaxyadaan ayaa daba socda kii bilowday horraantii bishaan oo dadweynaha Ciraaq ay uga cabanayaan maqnaashiyaha adeegyada asaasiga ah iyo musuq baahsan oo ku fiday dowladda Ciraaq.
Ilaa 100 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyadii hore oo dadweyne careysan ay dab qabadsiiyeen dhismayaal badan iyaga oo sidoo kale xiray waddooyinka.
Ku dhawaad labaatan sano oo iskugu jirtay duulaanka Mareykanka iyo soo bixii Daacish ayaa dhaawac u geystay kaabayaashii dhaqaale, taas oo keentay in dad badan aysan awoodin helitaanka adeegyada asaasiga sida tubooyinka biyaha oo kale.