Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Britain ayaa uga digtay muwaadiniinta u dhashay dalka Britain in ay u safraan Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo wasaaraddu ay sheegtay in iyaguna muwaadiniintu ka baaqsadaan ilaa safaro muhiim ah mooyee.
Dhamaan muwaadiniinta British-ka ah ee booqanaya Hargeysa ama Berbera ayay Dowladda Britain kula talisay in ay ka fogaadaan goobaha dadweynaha iyo meelaha la isugu yimaado isla markaana ay si hoose ula socdaan wararka saxaafadda gudaha iyo dibadda.
Qoraal ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda Britain ayaa sidoo kale loogu baaqay dhammaan muwaadiniinta u dhashay Britain ee jooga Soomaaliya in ay ka baxaan isla markaasna ay muujiyaan fejignaan dheeri ah iyagoo ka fogaanaya goobaha la iskugu yimaado sida hoteeladda oo ay shegeen inay suurtagal tahay in la beegsado, iyadoo kuwa Hargeysa iyo Berbera u jooga socdaalada aanan muhiimka ahayn, iyaguna loogu baaqay in ay ka soo baxaan deganadaasi.
Weerarki ugu weynaa ee ay kooxda Shabaab ka geysteen Soomaaliya ayaa ahaa kii 14-ki October ee sanadki hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya , kaasi oo ay ku dileen in ka badan 300 oo qof .
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in kooxaha Shababa iyo argagixisadda ay doonayaan in ay isku dayaan in ay Soomaaliya ka geystaan weeraro, iyadoo ay dowladda Britain sheegtay in ay Soomaaliya ka jirto khatar heerkeedu sarreeyo oo la xiriirta danbiyo dhinaca afduubka ah.