Isku taga saxafiyiinta dalka Belarus ee bariga Yurub ayaa sheegay in dowladda dalkaas ay 15 wariye oo u dhashay Belarus kala noqotay ruqsaddii shaqo. Wariyaashaan ayaa u kala shaqeynayay warbaahin caalami ah oo ay BBC-du ku jirto.
Tallaabada ay qaadday dowladda Belarus ayaa timid kaddib saddex toddobaad doorashadii muranka ka dhashay ee Madaxweyne Alexender Lukshenko taas oo keentay dibadbaxyo xukunkiisa lagu diidayo.
Hey’adda BBCd-a ayaa Telefishinka CNN u xaqiijisay in wariyaasheeda laanta Afka Ruushka ee caasimadda Belarus ee Minsk lagala noqday ruqsaddii.
Dhanka kale dowladda Belarus ayaa toddobaadkii la soo dhaafay waxay xirtay 50 wariye kuwaa oo tabinayay dibadbaxyada lagu dalbanayo in uu xukunka ka dego Madaxweyne Alexender Lukshenko oo dalkaa xukumayay muddo dheer.
Kumanaan dibabaxayaal ah ayaa waddooyinka Caasimadda Minks qaaday iyadoo boqolal kalena la xiray kaddib markii ah booliiska ay isku dhaceen.
Mucaaraaradka Belarus ayaa ka soo horjeestay doorashadii 9 bishii Ogoosto dhacday ee uu si wayn ugu guuleysatay Madaxweyne Lukshenko taasi oo mucaaradka ku eedeeyeen in lagu shubtay.