Hey’adda sirdoonka Armenia NSS ayaa sheegtay inay ka hortagtay isku day la doonayay in lagu dilo Ra’ iisulwasaaraha dalka Armenia Nikol Pashinyan sidoo kalena lagula wareego talada dalkaas.
Ra’iisulwasaare Nikol Pashinyan ayaa wajahaya cadaadis iyo dibadbaxyo tan iyo talaadadii kaddib markii uu saxiixay heshiis xabad joojin ah oo Azerbeyjaan siiyay dhulkii lagu muransanaa. Dadka ka careysan heshiiska ayaa dalbanaya in uu is casilo Nikol Pashinyan.
Hey’adda sirdoonka Armenia ayaa sheegtay in hoggaankii hore ee heyadda sirdoonka Artur Venstyan, madaxa kooxda baarlamaanka xisbiga Jamhuuriga Vahram Barghasdaryan iyo mutadawac dagaal Ashot Minisyan la xiray oo ay ku jiraan gacanta sirdoonka dalkaas.
Eedeysanayaashaan ayaa qorsheynayay inay awoodda la waregaan iyaga oo dilaya Ra’iisulwasaaraha. Waxay ka wadahadleen cidda ay ku badali lahaayeen Ra’iisulwasaaraha marka ay dilaan oo talada ay la wareegaan.
Dalka Armenia ayaa dhulka Nagorno Karabakh ku waayay heshiiska ay saxiixeen oo Ruushku garwadeen ka yahay. Ilaa 2000 oo ciidan Ruush ah ayaa la geynayaa labada dal dhexdooda.