Madaxda dowladaha Caalamka Islaamka ee Ku midaysan ururka Iskaashiga dalalka Islaamka (OIC) ayaa maanta ka dhacay, kaasi oo ahaa shir aan caadi ahayn oo deg deg ahaa islamarkaana uu isugu wacay madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan inay kaga hadlaan Qadiyadda magaalada barakaysan ee Qudus.
Shirka ayaa go’aan looga gaarayay aqoonsiga madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.
Haddaba madaxda Caalamka Islaamka oo maanta oo Arbaco ah isugu tagay shirka magaalada Istanbul ayaa waxaa ay soo saareen go’aan ay Ku midaysan yihiin oo Ku aadan qaddiyadda magaalada Qudus.
War-murtiyeed kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay in dhammaan dowladaha Caalamka Islaamka ee Ku midaysan OIC ay magaalada Qudus gaar ahaan Barriga magaalada ay u aqoonsadeen inay tahay Caasimadda Falastiin.
Warmurtoyeedka ayaa si wayn loogu cambaareeyay go’aankii madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.
Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in dowladdii raacda go’aanka Trump ee magaalada Qudus ay dunida Islaamka kala kulmi doono cunaqabatayn aad u xoogan.
Waxaa warmurtiyeedka uu dowladaha Caalamka ugu baaqay inay soo raacaan go’aanka Caalamka Islaamka ay Barriga magaalada Qudus u aqoonsadaan inay tahay Caasimadda Falastiin.
Waxaa sidoo kale hogaamiyaasha dunida Islaamka ay isla go’aansadeen inay tallaabo adag oo Ku aadan qaddiyadda magaalada Qudus ay qaadi doonaan haddii Golaha Ammanka ee QM oo mas’uul ka ah Ammanka guud ahaan Caalamka ay Ku fashilanto inay ka qaadato go’aanka madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel.
OIC, ayaa ah madasha ay ku kulansan yihiin guud ahaan dalalka Islaamka, waxaana kuwa Ku midaysan ay gaarayaan 55 dowladood.
Waa ururka dowliga ah ee ugu wayn Caalamka ka dib Qaramada Midoobay.
Waxyaabaha ururka Iskaashiga dalalka Islaamka OIC loo aas-aasay waxaa ka mid ah inuu go’aan ka gaaro qaddiyadda guud ee Bulshada Islaamka oo lagu qiyaaso inay tiro ahaan gaarayan 1 Bilyan oo qof, tiradan oo ah mid ka yar tirada dadka Ku nool dalalka Shiinaha iyo Hindiya, hase ahaatee Bulshada Islaamka ayaa la siman qiyaasta tirada guud ee dadka Ku nool guud ahaan qaaradda Afrika.