Dowladda federal ka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay isa soo dhiibitaanka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda ay soo dhowaynayso Sheekh Mukhtaar.
Hoos ka akhriso warqadda wasaaradda warfaafinta Soomaaliya
Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo.
Sidaas darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab.
Haddaba iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dowladdu waxey ballanqaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.
Dowlada Federaalku waxay u mahadcelineysaa cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.
DHAMMAAD
Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@opm.gov.so