War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wixii xiligan ka dambeeya uusan dalka ka shaqeyn karin wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Nicholas Haysom.
Qoraalka go’aanka dal ka eryidda (persona non grata) ayaa lagu sheegay in Ambassodor Haysom uu jabiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii diblomaasiyadeed ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya isla markaana aan xiligan dalka laga rabin Danjire Haysom.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu wargeliyay xafiiska xoghayaga guud ee Qaramada Midoobay, waxaana wasaaradda Arimaha Dibadda oo warkan soo saartay ay sheegtay in danjire Haysom uu si bareer ah u farageliyay madax banaanida dalka sidaas awgeedna dalka looga mamnuucay.
Go’aankan ay dowladda Federaalka Soomaaliya kaga mamnuucday in uu dalka kaga shaqeeyo wakiilkii xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa dalka ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay dowlad Soomaaliyeed ka qaadato masuul heer caalami xilliyadan dambe.