Dowlad Goboleedyadda oo warmurtiyeed ay soo sareen ku sheegay inay hakiyeen wadashaqeyntii Dowladda dhexe

881

Kulankii maamul goboleedyada uga socday magaalada Kismaayo ayaa goordhawayd lasoo gaba gabeeyay.

Warmurtiyeed ayaa laga soo saaray gunaanadka kulanka waxaana qodobadii ay isla garteen kamid ahaa in la hakiyo wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in wixii wadashaqeyn ee mustaqbalka ay la yelanayaan dowladda dhexe ay damiin ka noqdaan dalal shisheeye.

Shirkan oo 5-tii maalmood ee lasoo dhaafay madaxda dowlad goboleedyada uga socday magaalada Kismaayo ayaa qodobada ugu weynaa ee laga xusi karo waxaa ka mid ah hakinta xiriirkii wada shaqeyneyd ee ay wada lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo Federaalka iyo dalabka maamul goboleedyadda ee ah in cid kale ay soo faragaliso xiisadda u dhaxeysa iyaga iyo dowladda dhexe iyagoo dalbaday damanaad.

Haddaba hoos ka aqriso Qodobadda warmurtiyeedka