Dowald goboleedka Hirshabeele ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay inay Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kala heshiiyeen arrimihii ay ka tabanayeen iyagoo sidoo kalena ugu baaqay Dowlad goboleedyadda kale inay talabadaas oo kale qaadaan.
Warkan ka soo baxay Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle, ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dowladda Federaalka ah kala heshiiyeen waxyaabihii ay ka tabanayeen, waxayna Dwoladda dhexe ka dalbadeen inay dadaal u gasho sidii ay isfahamka iyaga dhexmaray oo kale loola gaari lahaa maamulada kale.
Go’aanka Waare, ayaa imanaya kadib toddobaad wada-hadallo hoose ay u socdeen isaga iyo dowladda dhexe, wada-hadalladan oo la rumeysan yahay inay dowladdu dadaal ugu gashay sidii ay u xallin lahayd tabashadda dowlad goboleedyadda.