Goobaha codbixinta doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Ruushka ayaa furmay, iyadoo madaxweynaha talada haya Vladimir Putin uu tartamayo markii affaraad xaafiiska.
Codbixinta ayaa ka bilababatay bariga fog ee Ruushka sabtidii, iyadoo magaalada Moscow oo ah Caasimadda dalka Ruushkana ay ka furmeen Goobaha codbixinta.
Natiijada horu dhaca ah ee doorashada ayaa la ogaan doonaa maanta oo Axad ah. Madaxweyne Putin ayaa waddanka ka talinayay ilaa sanadkii 1999-kii isaga oo marna madaxweyne ah marna Ra’iisal wasaare ah.
Waxa uu rajaynayaa inuu ku guulayso inuu xaafiiska sii hayo 6 sanno oo kale,waxa la tartamaya toddobo musharax oo kale.
Dadka kursiga kula tartamaya madaxweyne Putin waxaa ka mid ah milyineerka shuuciga ah, Pavel Grudinin, oo horey u haanjiray barnaamij tabiye teleefishin iyo Nin Suxufi ah Vladimir Zhirinovsky.
Hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka, Alexei Navalny, ayaa laga mamnuucay inuu u tartamo doorashada, sababtoo ah waxa lagu riday xukun ah inuu ku kacay khiyaano taasi oo uu ku sheegay in ay tahay mid la siyaasadeeyay.