Doorashooyinka madaxtinimada Nigeria oo muddo toddobaad ah dib loo dhigay

620

Doorashadii madaxweynaha iyo baarlamaanka ee dalka Nigeria ayaa dib loo dhigay muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (INEC) ayaa ku dhawaaqay shan saacadood ka hor inta aysan furmin goobaha codeynta doorashooyinka maanta.

“Marka la eego doorashooyinka sidii loo qorsheeyay ma ahan mid suurtogal ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Mahmood Yakubu, isaga oo xusay arrimo farsamo in ay sabab u tahay.

Wuxuu sheegay in go’aanka adag uu ahaa mid loo baahnaa si loo hubiyo doorasho xor ah oo caddaalad ah.

Doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka ayaa dib loo dhigay ilaa 23-kii Febraayo.

Labada xisbi ee ugu waa wayn Nigeria, ee kala ah APC iyo Xisbiga Dimuqraadiga ee (PDP), ayaa si deg deg ah u cambaareeyay tallaabadan oo ay ku eedeeyeen midba midka kale ee isku dayaya in ay wax ka baddelaan codka.

Madaxweynaha xisbigiisu hadda talada haya Muhammadu Buhari ayaa markale u tartamaya xilka Madaxweynaha.