Doorashooyinka Dhexe ee Mareykanka oo maanta dhacaya

500

Codbixiyayaasha Mareykanka ayaa codkooda ka dhiiban banaya maanta oo Talaadada, November 6-deeda, si ay uga qaybqaataan dkoorashooyinka dhexe ee Mareykanka, kuwaas oo gacan ka geysan doona go’aaminta labada sano ee u hartay madaxweyne Donald Trump ee xilkiisa kowaad.

Dhammaan 435-ta kursi ee aqalka wakiilada  ayaa u taagan in ay ka qayb-galaan doorashooyinka dhexe, iyo sidoo kale 35 kursi oo ka tirsan aqalka Senate-ka , iyo 39 guddoomiye goboleed.

Xisbiga Jamhuuriga ah ee madaxweyne Trump ayaa hadda haysta aqlabiyada inta badan Aqalka Senate-ka iyo Golaha Wakiilada, laakiin haddii uu ku guuldaraysto inuu sii wado ama dhumayo aqalbiyada midkoodna waxay keeni kartaa in siyaasad ahaan ay caqabad ku noqoto siyaasadihiisa ugu muhiimsan.

Sida laga soo xigtay ra’yi ururintii ugu dambeesay, xisbiga Demoqraadiga ayaa leh rajo wanaagsan oo ay ku ku qaataan aqalka hoose ee Congress-ka, laakiin waxaa la saadaalinayaa in xisbiga Jamhuurigu ay haystan doonaan aqlibayada aqalka Senate-ka.

Sidoo kale waxa jira Soomaali u tartamaysa doorashooyinka Aqalka Wakiilada iyo degmooyinka.

SHARE