
Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Arbaco Ku dhawaaqay in dalka Turkiga ay ka dhici doonto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.
Doorashadan ayaa ah mid Baarlamaani ah iyo midda madaxtinimo ee dalkaasi, ayadoo dadka reer Turkey ay soo dooran doonaan madaxwaynaha iyo xubnaha Golaha Shacabka.
Madaxwayne Erdogan, oo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Madaxtooyada dalkaasi ee magaalada Ankara ayaa shaaciyay in dalka Doorashada waqtigeeda laga soo hormariyay ay ka dhici doonto.
Madaxwaynaha ma uusan sheegin xiliga rasmiga ah ee doorashada la qaban doono, hase ahaatee taasi waxaa la sheegay in uu go’aansan doono guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka.
Doorashada waqtigeeda laga soo hormariyay ayaa lagu waday in la qabto sanadka soo aadan ee 2019-ka.
Hadalka madaxwaynaha dalka Turkiga ayaa waxaa uu imaanaya maalin un ka dib markii ay soo baxeen wararka doorashadan la xiriira.
Madaxwayne Erdogan ayaa go’aankan magaalada Ankara kaga dhawaaqay ka dib markii uu la kulmay Devlet Bahceli, madaxa ururka siyaasadeed ee lagu magacaabo Nationalist Movement Party (MHP).