Doorashada madaxtinimo ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka, iyo Sayniska (UNESCO) ayaa lagu qabtay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Doorashada ayaa waxaa hareeyay eedeymo la xiriira in Hay’adda UNESCO ay taageerto Falastiin iyo in Maraykanka iyo Israa’iil ay ka baxeen xubinimada Hay’adda.
Waxaa ku guulaystay gabadha lagu magacaabo Audrey Azoulay, oo u dhalatay dalka Faransiiska, iyadoo ka guulaystay musharixiinta kala ah Xamad bin Cabdulaziz al-Kawari oo u dhashay dalka Qadar iyo Moushira Khadhaab oo ka socday dalka Masar.
Audrey Azoulay , ayaa waxaa ay tartan xoogan ay kala kulantay musharaxa reer Qadar Xamad bin Cabdulaziz al-Kawari kaasi oo la gaaray wareega ugu dambeeyay ee doorashada iyagoo ku kala baxay codadka 30 -28 cod.
Waxaa codkooda dhiibanayay 195 dal oo xubno ka ah Hay’adda UNESCO.
Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Qadar ayaa u hambalyaysay hogaamiyaha cusub ee UNESCO, halka Masar ay dalbatay in la baaro hanaankii codaynta.
Waa tuma Azoulay?
Audrey Azoulay , ayaa ah haweenay ku dhalatay magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Waxaa ay ahayd wasiirkii hore ee Dhaqanka dalka Faransiiska, iyadoo sidoo Kale ahayd la taliyahii madaxwayne Hollande, ee dhanka Dhaqanka.
Waa 45 sano jir ka soo jeedda qoys Yahuud ah oo asalkiisu yahay dalka Morocco.
Aabaheed Andre Azoulay, ayaa waxaa uu la taliye u ahaa boqorkii hore ee dalka Morocco, boqor Moxamed VI (Maxamed-kii koowaad).
Waxaa ay beddeli doontaa madaxa xilka ka sii dagaysa ee Irina Bokova, oo ah haweenay u dhalatay dalka Bulgaria taasi oo waqtigeedii 8-da sano uu hareeyay musiibooyin dhaqaalle ee soo wajahay Hay’adda UNESCO.
UNESCO, waxaa xilka ugu sareeya kasoo qabtay dad kasoo jeeda Yurub, Asia, Afrika iyo America, wali ruux carab ah ma qaban xilkaasi. Doorashadii shalay ayay ahayd tii ugu dhowayd ee uu ku guulaysan lahaa ruux Carab ah inkastoo looga guulaystay.
Falcilinta warbaahinta caalamka Islaamka
Warbaahinta Barriga dhexe, ayaa waxaa ay qoreen inay tahay wax laga xumaado in Carabta ay ku guuldaraystaan doorashada, iyagoo eedda dusha uga tuuray ‘kali-taliyaasha Carabta’.
Wargaysyada dalka Qadar ayaa qaba in haddii Carabta ay ahaan lahaayeen dad midaysan in doorashada ay guulaysan lahaayeen.
Waxaa ay sheegeen in dalalka Sacuudi Carabiya, Masar, Imaaraadka Carabta iyo kuwa kale ee ku midaysan cunoqabataynta saaran Masar inay ka shaqeen inuusan guulaysan musharaxa tartanka adag la galay haweenayda doorashada ku guulaysatay.
UNESCO iyo dhibaatooyinkeeda
UNESCO, ( United Nations Educational, Scientific and Cultural Organization) ayaa waxaa la aas-aasay November 16, 1945, London, United Kingdom, ayadoo uu socday xilligaasi dagaalkii labaad ee Adduunka.
Hay’adda ayaa loo aas-aasay inay ilaaliso Dhaqanka iyo goobaha Taariikhiga ah ee caalamka.
Waa Hay’ad Qarash yar, Siyaasadduna ay ku xoog badan tahay.
UNESCO, ayaa 2011 xubinimo buuxda siisay Falastiin kaddib markii xubnaha Hay’adda ay u codeeyeen. Hase ahaatee ogolaansha Falastiin waxaa ay u keentay caqabado badan. 14 dal oo ay ku jiraan Israel iyo Maraykanka ayaa u codeeyay ‘Maya’ xilligii codka loo qaadayay xubinimada Falastiin ee UNESCO.
Wax yar ka dib codayntaasi, dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dhaqaalihii ay siin jirtay UNESCO taasi oo gaaraysay $80 milyan oo dollar sanadkiiba.
Lacagta Maraykanka uu siin jiray UNESCO la’aanteeda, Hay’adda ayaa ku qasbanaatay inay dhinto mushaarka shaqaalaheeda kuwaasi oo gaaraya 2,000 guud ahaan caalamka ayadoo sidoo kalena hakisay mashruucyo ay waday.
2012, Miisaaniyadda Hay’adda ayaa noqotay $326 Milyan oo dollar taasi oo ka yar Kala bar miisaaniyadii ay hore u heli jirtay.