Doorashada Madaxweynaha Puntland oo maanta dhacaysa

641

Garowe – Waxaa hadda ka socda Aqalka Golaha Wakiilada Puntland qabanqaabada iyo diyaar garowga doorashada madaxtinimada Dowlad Goboleedka Puntland Soomaaliya.

Xildhibaannadda Aqalka Wakiilada Puntland ayaa maanta dooranaya Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka ee 5 sanno ee soo socota.

Doorashada maanta Puntland ka dhacaysa oo aad uga duwan doorashooyinkii hore ayaa waxaa ku tartamaya 21 musharax xilka Madaxweynaha oo ku jiro Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, halka xilka  madaxweyne ku xigeenka ay dhawr iyo tashan musharax u taagan tahay.

Doorashada ayaa toos looga tabin doonaa Telefishinada iyo qeybaha kale ee warbaahinta.