Baydhabo – Guddiga joogta ah ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ay ku yesheen maagalada Baydhabo xarunta maamulka Koonfur Galbeed uga hadlay doorashooyinka la filayo in dhawaan ka dhacaan.
Guddiga ayaa kulankooda kaddib waxa ay shaaciyeen in doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya dib loo dhigay, lana qaban doono 28 bishaaan Nofeembar, 2018-ka.
Guddiga ayaa sheegay sidoo kale in 17 ka bishaan Nofeembar, 2018 ka ay soo dhamaystiri doonan xubnihihii iska casilay Guddiga doorashooyinka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la filayay in ay dhacdo 17-ka bishaan November ayaa waxa samayn ku yeeshay kaddib markii inta badan xubnihii Guddiga doorashada ay is casileen.
Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa dhawaan iska casilay xilka, isagoo sidoo kalena ka tanaasuley musharaxnimadaydii tartanka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.