Muqdisho (UM) – Waxaa saaka ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya isu diyaarinta doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu wado in ay bilaabato saacadaha soo socda.
Doorashada Koonfur Galbeed oo ah mid si wayn loo sugayo ayaa la filayaa in xildhibaannadda maamulka Koonfur Galbeed ay maanta doortaan Madaxweynihii beddeli lahaa Shariif Xassan Sheekh Aadan oo bishii November iska casilay xilkaan.
Doorashada Koonfur Galbeed oo muran badani ka dhashay ayaa waxa ugu cadcad Cabdicaziz Laftagareen iyo Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo ka mid ah dhawr ka musharax ee u taagan xilkaan.
Doorashadaan ayaan waxa u tartamayn Mukhtaar Roobow oo dowladda Soomaaliya toddobaadkii hore ka soo xirtay magaalada Baydhabo, taasi oo ay ka dhalatay qalaalse siyaasadeed iyo rabshado dhimasho iyo dhawaac sababay.


























