Doorashada Koonfur Galbeed oo mar saddexaad dib loo dhigay

677

Muqdisho ( UM) – Guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada oo markii loo qorsheeyay in ka qabto 5ta bishaan December ay hadda dib u dhacday, doorashadana la qaban doono 19ka bishaan December.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa sheegay sabab dib loogu dhigay waqtiga doorashada in ay tahay hawlaha culus ee Guddiga horyaala iyo waqtiga cayiman ee ay haystaan.

” Guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uu garwaaqsaday iney lagama maarmaan tahay in waqtigii doorashadu dhici lahayd ee 5tan December dib looga dhigo isla markaana doorashadu dhacdo 19ka December 2018ka, si loo xaqiijiyo ka qeybgal dhamaystiran, inta ka horreysana uu Guddigu dardargeliyo fulinta iyo qabadashada howlaha dhiman ee guddiga horyaal”. Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Dooraashada.

Waa markii saddexaad oo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed dib loo dhigo, Lamana oga in waqtiga cusub ee loo muddeeyay doorashada in ay ku dhacayso iyo in kale .

Waxaa shalay la geeyay magaalada Baydhabo ciidamo booliis ah oo laga qaaday magaalada Muqdisho kuwaasi oo la sheegay in lagu xoojin doono ciidamada amniga Koonfur Galbeed si ay ammaanka doorashada u sugaan.

Hoos ka akhriso warqada ay soo saareen Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed.