Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland oo maanta dhacaysa

47

Kismayo – Waxaa magaalada Kismaayo ka socda qabanqaabadda loogu diyaar garoobayo doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Jubbaland iyo labadiisa ku xigeen.

Xilka Guddoonka Jubbaland ayaa waxas ku tartamaya shan musharax balse lama oga cida ilaa iyo hadda ugu cadcad musharaxiinta. Musharaxiintii tartamaya ayaa waxaa ku jira Guddoomiyihii hore Baarlamanka Jubbaland iyo ku xigeenadiisa.

Golaha Wakiilada cusub ee maamulka Jubbaland ayaa ka kooban 73 xubnoo kuwaasi oo noqon doono Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland yeelato in ay dhisnayd.

Waxaa sidoo dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Jubbaland kaddib markii Guddiga doorashooyinka Jubbaland ay sheegeen in muddo saddex maalin ah lagu daray oo dib loo furay diiwaangelinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha kaddib.

Waxaa aad loo adkeeyay goobta doorashada Guddoonka Baarlamaanka ka socoto ee magaalada Kismaayo.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland aya loo qorsheeyay in ay dhacdo 22 bishaan Ogoosto.

SHARE