Muqdisho (UM) – Waxaa ka socda xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Doorashada Guddoomiyaha ayaa ka dhacaysa hoolka shirarka ee Xarunta Golaha Shacabka, waxana la filayaa in ay bilaaban doonto saacadaha soo socda.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha ayaa waxa u tartamaya 11 musharax.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad isha ugu haya Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo cidda ku guulaysan doonto xilka Guddoomiyaha kaddib markii horreyntii bishaan Abriil uu iscasilay Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaddib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay Golaha Shacabka.