Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka socdaalka adduunka ee International Organization for Migration (IOM) ayaa sheegtay in Doon siday Muhaajiriin u badan Itoobiyaan ay Ku qalibantay biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen.
Doonta ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxday xeebaha magaalada Boosaso ee gobalka Bari.
Waxaa lagu soo waramayaa in doonida ay siday qiyaastii 100 qof kuwaasi oo 16 ka mid ah ilaa iyo hadda nolol iyo geeri midna lagu helin.
Hay’adda Socdaalka u qaabilsan Qaramada midoobay oo musiibadaasi war qoraal ah kasoo saartay ayaa waxaa ay sheegtay in dadka Doonida saarnaa ay isugu jireen 83 Rag ah iyo 17 Haween ah.
Qiyaastii 7,000 oo muhaajiriin Sabool ah ayaa la sheegay in bil walba ay naftooda Ku biimeeyaan Biyaha Gacanka Cadan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka iyo Yemen, sida uu Ku waramay agaasimaha hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka IOM, Mohammad Abdiker.