Dooddii ugu dambeysay oo caawa dhexmaraysa Trump iyo Biden

520
Madaxweyne Trump (bidix) iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden oo ka qeybgalaya dooddii kowaada. AP

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo musharada xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden  ayaa caawa yeelanaya dooddii ugu dambeysay ee madaxtinimada Mareykanka.

Guddiga agaasimaya doodda u dhaxeysa labada musharax ee xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa go’ aansaday in ay makarafoonada damiyaan  si musharax kasta loo sameeyo fursad hadalka aan laga dhexgaleyn inta lagu jiro wareegga ugu dambeeya ee doodda.

Guddiga ayaa sheegay in 15ka daqiiqo ee musharax kasta uu hadalada gaarka ah jeedinayo la damin doono cod baahiyaha kaddibna dib loo daari doono si dooddu u bilaabato.

Sharciga la beddelay ayaa ka dhashay kaddib markii doodihii hore ay isku badaleen kuwa la qasay oo aad la iskugu qaylinayay.

Doodda magaalada Nashvile ee Gobolka Tennessee ayaa noqoneysaa tii ugu dambeysay markii tii labaad Trump uu ku dhacay cudurka Corona uuna diiday in uu dhinaca qadka uga qayb qaato.

Labada musharax ee kala ah Trump iyo Joe Biden ayay u dhaxeysa tartan doorashada madaxtinimada Mareykanka oo dhici doonto 3 bisha November ee sanadkaan. Labadaan ayaa si weyn isaga soo horjeeda siyaasad ahaan waxaana hadda dalka ka socda ololaha doorashada Mareykanka.