Toban qof oo labo ka mid ah yihiin duuliyaashii diyaarad yar oo kuwa rakaabka ah oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa dhintay, kaddib markii diyaaraddii ay ku dhacday buur galinkii danbe ee talaadadii sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan dawladda Kenya.
Diyaaraddaan oo waayahaanba lala’aa ayaa ugu danbeeyn shaqaalaha gurmadka waxa ay ka heleen meel keyn ah oo ku taalla bartamaha Kenya iyada oo gabi ahaanba burburtay oon hal qof ka badbaadin.
Diyaaradaan oo kasoo kicitintay magaalada Kitale ee galbeedka Kenya maalintii talaadada ayaa wax yar kaddib laga waayay qalabka laga hago diyaaradaha , taas oo keentay in baadigoob la bilaabo si loo soo badbaadiyo dadka saarnaa.Has e ahaate diyaaradii ayaa ku burburtay buur ku taal bartamaha Kenya.