Muqdisho – Waxaa maanta duulimaadkii ugu horreyay ku timid garoonka caalamiga ah ee diyaaraha Aden Abdulle ee magaalada Muqdisho diyaaradda Qatar Airways.
Diyaaradda Qatar Airways oo rakaab wada ayaa toos uga soo duushay magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qatar iyadoo soo caga dhigatay garoonka Aden Abdulle oo munaasabad lagu daah-furayay lagu qabtay. Shirkadda diyaarada Qatar Airways waxaa iska leh dowladda Qatar.
Munaasabadda lagu daah-furayay dulimaadyada cusub ee shirkadda diyaaradda Qatar Airways ay ka bilowday Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiradda Duulista hawada, arrimaha dibadda, Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hey’addaha dowladda.
Dulimaadyada shirkadda diyaarada Qatar Airways ka bilowday Soomaaliya ayaa noqon doono maalin ah ama isbuuc saddex maalin baxa.
Diyaaradda Qatar Airways ayaa noqonaysa diyaaradii afaraad oo caalami ah oo dulimaadyo toos ka bilowda Soomaaliya. Waxaa ka horreyay diyaaraha Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways oo dhamaantood duulimaadyo maalin ah oo caalami ku yimaada magaalada Muqdisho.