Diyaaradda Air India oo u kala go’day laba qaybood iyadoo rakaab wadda

137

Diyaarad nooceedu yahay Air India Express oo ay saaran yihiin 191 qof ayaa ku burburtay garoon diyaaradeed oo ku yaala gobolka Kerala ee koonfurta dalka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Diyaaradda, oo ka soo duushay magaalada Dubai, ayaa ka baxday qeybta diyaaraha ay ku ordaan ee gegada diyaaradaha ee magaalada Calicut markii ay soo degtay, maamulka duulista hawada ee India ayaa sidaas sheegay.

Howlgallada samatabbixinta ayaa socda, iyadoo ay jiraan gurmaryo degdeg ah oo goobta ka socda.

Ugu yaraan laba qof, oo uu ku jiro pilot diyaaradda, ayaa dhintay, sida warbaahinta India sheegtay.

Dhowr ka mid ah rakaabka diyaarada yaa dhaawacmay, sida uu sheegah afhayeen u hadlay shirkada diyaaradaha.

Diyaaradda ayaa sheegtay in 184 rakaab ah – oo ay ku jiraan 10 carruur ah iyo 7 shaqaale ah, oo laba ka mid ahi ahaayeen duuliye – ay saarnaayeen diyaaradda nuuceedu yahay IX-1344 markii ay ku burburtay garoonka Calicut, oo sidoo kale loo yaqaan Kozhikode.

Agaasinka Guud ee Duulista Rayidka Hindiya (DGCA) ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday doox isla markaana ay u kala go’day laba cad kadib markii ay ka baxday dhamaadkii qeybta diyaararaha ay ku ordaan ama Runway. Sawiro ay qaadeen warbaahinta Hindiya ayaa muujinaya in diyaaradda ay u kala jabtay laba qaybood.

SHARE