Diyaarad xamuulka qaadda oo nuuceedu yahay 5Y-MHT ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xilli ay dooneysay in ay soo cagadhigato.
Hawlwadeenada garoonka Aadan Cadde ayaa gurmad degdeg ah u fudiyay diyaaradda oo afka hore ku dhufsatay gidaarka garoonka si uusan dab u qabsan.
Sii hayaha wasiirka gaadiidka ayaa wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay inay afar qof shaqaale ka soo badbaadiyeen diyaaradda shilka gashay.
Lama oga sababta keentay shilka diyaaraddaan yar ee xamuulka qaadda oo Wararka qaar ay tibaaxaya in ay agab u sidday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa aalaaba waxaa ka hawlgala diyaarado badankood duugoobay oo mararka qaar gala shalal sida tii ku dhacday garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.