Diyaarad xamuul oo ku dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho

836
Diyaarad xamuul oo ku dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Diyaarad xamuulka qaadda  oo nuuceedu yahay 5Y-MHT ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xilli ay dooneysay in ay soo cagadhigato.

Hawlwadeenada garoonka Aadan Cadde ayaa gurmad degdeg ah u fudiyay diyaaradda oo afka hore ku dhufsatay gidaarka garoonka si uusan dab u qabsan.

Sii hayaha wasiirka gaadiidka ayaa wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA u sheegay inay afar qof shaqaale ka soo badbaadiyeen diyaaradda shilka gashay.

Lama oga sababta keentay shilka diyaaraddaan yar ee xamuulka qaadda oo Wararka qaar ay tibaaxaya in ay agab u sidday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa aalaaba waxaa ka hawlgala diyaarado badankood duugoobay oo mararka qaar gala shalal sida tii ku dhacday garoonka Ugaas Khaliif ee  magaalada Baladweyne.