Diyaarad siday siyaasiyiin caan ah oo ka degtay Kismaayo

57

Kismaayo – Waxaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo diyaar ka timid magaalada Nairobi ee dalka Kenya taasi oo siday siyaasiyiin caan ah iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Diyaarada ayaa waxaa la socday siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka.

Diyaaraddaan maanta ka degtay magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in maamulka Jubbaland ay soo iibsadeen. Waxaa la filayaa in ay soo daabusho mas’uuliyiinta iyo marti sharafta kala duwan ee ka qeybgalaya xaflada caleema saarka Axmed Madoobe. Mas’uuliyiintaan ayaa hor dhac u noqon doono dadka ka qeybgalaya xaflada caleema saarka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xayiraad ku soo rogtay shirkadda duulimaadyada ee aada magaalada Kismaayo. Inkastoo dowladda Federaalka ay sheegtay in diyaaraha magaalada Kismaayo tagi karaan, haddana waxaa amar lagu siiyay in aysan wax siyaasiyiin ah u qaadi karin magaalada Kismaayo.

Waxaa dhawaan dib loo dhigay munaasabadda caleema saarka Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe kadidb markii ay saamayn ku yeelatay dadkii ka soo qeybgali lahaa. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsanayn natiijada doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe.

SHARE