Diyaarad rakaab oo ay saarnaayeen 170 qof oo ku burburtay Iran

562
Burburka diyaaradda ayaa lagu arkayay goobta shilks oo ka dhacay duleedka magaalada caasimadda Iran,Tehran.AP

Diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo siday ugu yaraan 170 rakaab ah ayaa burburtay kadib markii ay ka duushay garoonka caalamiga ah ee Imam Khomeini International Airport Arbacadii, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan rakaabkii saarnaa, sida laga soo xigtay telefishanka dowladda Iiraan.

Diyaaradda oo ay leedahay Shirkada duulimaadyada caalamiga ah ee dalka Ukraine ayaa shilkeedu sababay arrimo farsamo, sida uu sheegay Telefishinka dowladda Iran, isagoo aan faahfaahin ka bixin.

Af-hayeen u hadlay duulimaadyada rayidka Iran Reza Jafarzadeh ayaa yiri: “Kadib markii ay ka kacday garoonka caalamiga ah ee Imam Khomeini waxay ku burburtay inta u dhaxeysa Parand iyo Shahriar”.

“Koox baaris ah oo ka socota waaxda duulista hawada rayidka ayaa goobta loo diray ka dib markii lagu dhawaaqay warka.”

Diyaaradda ayaa ku sii jeeday magaalada Kiev ee dalka Ukraine, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA-ga gobolka. Sawir laga soo qaaday IRNA ayaa muujinaya shaqaalaha gurmadka ee ku sugan dhul beereed ay yaallan wax u muuqday burburka diyaaradda.

Diyaarada burburtay ee dalka Ukraine laga leeyahay ayaa shaqaynaysay muddo ka yar 4 sanno.

Diyaaradda ayaa dhacday saacado uun kadib markii Iran ay weerar gantaal ah ku qaadday saldhigyada ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Ciraaq.