Diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaraha ee Itoobiyan Airlines nuuceedu yahay Boeing 737 oo ka duushay maagalada Addis Ababa kuna sii jeeday maagalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa burburtay.
Duulimaadkan ayaa la aaminsan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo siddeed shaqaale,sida ay sheegtay shirkadda Ethiopian Airlines. Ma jirto cid ka badbaaday shilka diyaaraada dadkii saarnaa. Idaacadda EBC ee Itoobiya ayaa sheegtay dad saarnaa diyaaraada ay u kala dhasheen 33 dal. Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in shilku dhacay saacadu markay ahayd 08.44, Axaddii maanta, wax yar kadib markii ka kacday caasimadda. Warka ku saabsan burburka diyaarada ayaa ugu horreyn ka yimid markii Ra’iisul Wasaaraha Abi Axmed uu tacsi soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
War saxaafadeed ay soo saartay shirkadda diyaaradaha ayaa sheegtay in hawlgallada goobidda iyo samatabbixintu ay ka socoto meel u dhow goobta shilku ka dhacay magaalada Bishoftu, oo ah 60km ka xigta dhinaca koonfureed ee caasimadda Addis Abbaba
Ma bixin faahfaahin ku saabsan tirada khasaaraha. Ma cadda sababta keentay shilka.
“Shaqaalaha Ethiopian Airlines waxaa loo diri doonaa goobaha shilalka waxayna samayn doonaan wax kasta oo suurtagal ah si ay u caawiyaan hawlaha gurmadka”ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay shirkadda.
Boeing, oo ah shirkada dhistay diyaarada, ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay twitter-ka in ay “si hoose ula socotay xaaladda”.