Diyaarad la xaday oo burburtay

887

Shaqaale diyaaradeed oo xaday diyaarad kuwa rakaabka qaada ah ayay diyaaradii kula burburtay jaziirad aan ka fogeyn halkii uu ka xaday.Diyaaradaan ayaa  xilliga uu xadayay taalay garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Seatle ee dalka Maraykanka iyada oo aysan cidna saarneeyn.

Masuuliyiinta garoonka diyaaradaha Seatle ayaa sheegay in ninkani uu kiciyay diyaaradda galinkii danbe ee jimcaha isaga oon wax fasaxa u heysan , taas oo keentay in la xiro garoonka  caalamiga ah ee magaalada Seatle ee dalka Maraykanka.

Laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa baacsaday ninka diyaaradda kiciyay , laakiin lama oga in ninkii uu ku dhintay burburka diyaaradda iyo in kale.

Taliyaha booliska aagga dhacdadu ka dhacday ayaa sheegay in weerarkani uusan aheyn mid argagixiso, isaga oo intaa ku daray in ninku uu yahan nin deegaanka ah oo da’adiisu tahay 29.