Beledweyne – Waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ku burburtay diyaarada wadday shixnad gargaar oo loo wadday magaalada Beledweyne.
Wararka ayaa sheegaya in diyaarada markii ay garoonka cagga dhigatay ay afka hore dhulka ku dhufsatay kaddibna uu dab qabsaday.
Diyaarada xamuulka ah ayaa sheegay sidoo kale in ay markii hore ka baxday magaalada Muqdisho kaddibna ay Jabuuti ka soo qaaday xamuul gargaar ah. La xaqiijin cid ku dhimatay burburka diyaarada.
Lama oga waxa sababay illaa iyo hadda shilka diyaarada.