Diyaarad ay saaran yihiin in ka badan 60 qof oo ku burburtay dalka Iiraan

884
Photo: Google

Wararka laga helayo dalka Iiraan, ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarad nooca rakaabka ah ay maanta oo Axad ah ay Ku burburtay bartamaha dalkaasi Iiraan.

Diyaaradda ayaa ka ambabaxday magaalada Tehran ee Caasimadda dalka Iiraan waxaana ay Ku ski jeeday magaalada Yasuj, ee dalkaasi, sidaasi waxaa goor dhow Ku warantay warbaahinta dalka Iiraan.

Diyaaradda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay Ku burburtay dhul buuraley ah oo ka dhow magaalada Semirom oo Ku taala bartamaha dalkaasi.

Wakaaladda wararka ISNA, oo soo xiganaysa afhayeenka hay’adaha gurmudka deg dega ah oo lagu magacaabo Mojtaba Khaledi, ayaa waxaa ay sheegtay in diyaaradda burburtay ay saarnaayeen 60 qof oo rakaab ahaa iyo 6 qof oo shaqaalaha diyaaradda.