Diyaarad ay leeyihiin Milateriga Turkiga oo la soo riday

849

Maleeshiyaadka Hubaysan ee Kurdiyiinta ee dalka Suuriya ayaa soo riday diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee Helicopter-ka loo yaqaano taasi oo ay lahayd dowladda Turkiga.

Militariga dalka Turkiga ayaa sheegay in diyaaradda la soo riday xili howlo militari ay ka fulinaysay dalka Suuriya.

Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Bin Cali Yildrim ayaa television-ka Qaranka ka sheegay in diyaaradu la soon riday.

Waxaa uu sheegay in diyaaradu ay soon rideen maleeshiyaadka Kurdiyiinta dalka Suuriya ay soon riden, isagoo sheegay in soo ridista diyaaradu ay keentay in labo askari ay geeriyoodaan.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Turkiga uu wajahayo xaalad dagaal islamarkaana xiliyada dagaalka lagu jiro tan oo kale ay dhacdo.

Erdogan, ayaa tilmaamay in kooxaha soo riday diyaaradu ay heli doonaan natiigada ficilkooda.

Mustafa Bali, oo ah afhayeen u hadlay Kooxda YPG ayaa sheegay in diyaaradda ay ayagu soo rideen .