Dilkii wariye Khaashuuqji: Trump oo si adag u difaacay xiriirka kala dhaxeeya Sacuudiga

606
Madaxweyne Donald Trump ayaa si adag u difaacay xiriirka kala dhaxeeya Sacuudi Carabiya inkastoo ay dileen Jamal Khaashuuqi. Sawirka: Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhaartay in uu sii ahaan doono “saaxiib daacad ah” Sacuudi Carabiya inkastoo oo cadaadis caalami ah ee Sacuudiga ee ku saabsan dilkii Suxufigii Jamaal Khaashuuqji ee bishii hore sii kordhayo.

Trump ayaa si adag u difaacay xiriirka Sacuudi Carabiya war qoraal oo ka baxay Aqalka Cad November 20-keedii, isaga oo sheegay in boqortooyada Sacuudiga ay ogolaatay in ay lacagtii ugu badnayd abid ku maal-galiso Mareykanka.

Jamal Khaashuuqji, oo ahaa Suxufi ka tirsan wargeyska Washington Post ayaa lagu dhex dilay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul 2-da bishii Oktoobar.

“Hay’addeenna Sirdoonku waxay sii wadi doonaan inay qiimeeyaan dhammaan macluumaadka, laakiin waxay noqon kartaa mid aad u wanaagsan in dhaxal sugaha Sacuudiga uu ogyahay dhacdadan naxdinta leh,” ayuu yiri Trump.

“Xaalad waliba, xiriirkeena boqortooyada Sacuudi Carabiya waa uu jirayaa,” ayuu madaxweynaha Mareykanka ku daray.

Laanta sirdoonka CIA-da ee Mareykanka ayaa toddobaadkii hore warbixin ay soo saartay ku eedeeysay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan inuu bixiyay amarkii lagu dilay Jamaal Khaashuuqji.