Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo isku dayaya in ay qabsadaan saldhig boolii islamarkana qayb ka mid ah dhismaha dab la qabadsiiyay.
Mar sii horeysay maxwaynaha dalka Iiraan Xasan Rowxaan ayaa sheegay in dadka reer Iiraan ay xaq u leeyihiin inay banaanbaxaan hase ahaate aan xaq u lahayn qalalaasaha ay wadaan.
Warbaahinta dalka Iiraan ayaa Ku warantay in isku dhacyada banaanbaxayaasha iyo Booliiska ay sababeen inay geeriyoodaan dadka ka badan 15 qof.
Dibadbaxayaasha kasoo horjeeda shaqo la’aan korortay, siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda iyo siyaasadda xukuumadda ee Ku aadan dhinaca dhaqaalaha.
Wali waxaa xiran aaladaha Internet-ka ee bulshada ay Ku wada xiriirto, taasi oo dowladda ay Ku doonayso inay Ku xakamayso dibadbaxyaasha.