Dibadbaxayo looga soo horjeedo militariga oo ka socda dalka Myanmar

355

Booliska dalka Myanmar ayaa rasaasta cinjirka ku riday intii uu socday banaanbax ka socday caasimada Nay Pyi Taw, iyadoo dadku ay diidayaan isku dayada lagu doonayo in lagu soo afjaro banaanbaxyada maalmo socday.

Rasaasta cinjirka biyaha ayaa Booliska isticmaalay si ay u kala eryo dibadbaxayaasha, kuwaas oo dalbanaya in dimuqraadiyadda la soo celiyo ka dib afgambigii meesha looga saaray dowladdii la soo doortay.

Milatariga isku dayeen in ay cunaqabateyn lasaarayo isu imaatinka balaaran waxayna soo bandhigeen bandow habeenkii ah magaalooyinka qaar.

Laakiin mudaaharaadyada ayaa ka socda magaalooyin dhowr ah maalintii afaraad oo isku xigta.
Hogaamiyaha militariga Min Aung Hlaing ayaa Isniintii ka digay in qofna uusan ka sareeyn sharciga, in kasta oo uusan hanjabaad toos ah u soo saarin dibadbaxayaasha.

Baahinta laga sii daayay TV-ga dowladda Burma khudbadiisa kadib ayaa lagu yiri “waa in talaabo laga qaadaa” kuwa ku xadgudba sharciga wadanka Koonfur Bari Aasiya.

Militariga Myanmar ayaa afgambi kula wareegay talada dalka toddobaadkii hore kaddib markii ay sheegeen in doorashadii xisbiga hoggaamiyaha Aung San Suu Kyi uu ku guuleystay la musuqmaasuqay, wax isdabarina ay dhacday.

SHARE