Home Wararka Maanta Dib u doorashada Uhuru Kenyatta oo la sharciyeeyay

Dib u doorashada Uhuru Kenyatta oo la sharciyeeyay

832
 Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxaa ay meesha ka saartay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo ahayd mid si weyn loo sugayay.

Ilaa 6 garsoore oo dhageysanaysay dacwaddan ayaa isku raacay  natiijada guusha madaxwayne Uhuru Kenyatta ay ahayd mid Sharci ah iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay.

Waxaa Go’aankan ay qaadatay maxakamadda sare ee Dalka Kenya uu waddada u xaarayaa in madaxweyne Uhurru  Kenyatta mar kale xilka loo dhaariyo isbuuca soo socdo,tasi oo haatan qaban qaabadeeda ay socoto.

Maxkamadda sare ee dalkaasi Kenya ayaa horay u joojisay  natiijada doorashadii bishii Agosto ayadoo sheegtay in wax is daba Marin ay dhacday muddadii doorashada ay socotay.