Dhulgariir ruxay Galbeedka Turkiga iyo Giriigga

74
Dhulgariir ruxay Galbeedka Turkiga iyo Giriigga [Ozan/AFP]

Kooxaha badbaadada ayaa wali  gacmahoooda ku qodaya burburka dhismayaasha ku dumiyay dhulgariir ku dhuftay Galbeedka Turkiga iyo Giriiga kaa oo dhulka la simay dhismayaal badan.

Ilaa iyo hadda 22 ruux ayaa ku naf waayay dhulgariirka xooggan inkasta oo wali ay kooxaha gargaarku rejo ka qabaan badbaadada dadka ku hoos jira dhismaha dumay.

Khasaaraha ugu badan ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa gaaray magaalada loo dalxiiska tago ee Izmir ee badda Aegean ee dhacda oo ay ku noolyihiin dad gaaraya 3 Milyan , isla markaana leh guryo dhaadheer iyo kuwa  qayb qaybta u dhisan ee deegaanka ah.

Ma cadda inta ruux ee wali ku hooa jira burburka, hase ahaatee saraakiisha Turkida ayaa xaqiijiyay dhimashada oo 20 ah iyo 800 oo dhaawac ah.

Dhulgariirka ayaa waxa kale uu sababay Tsunami yar oo badda Aegeanka ka dhacay kaa oo sababay in biyuhu ku fatahaan waddooyinka magaalo ku taal Galbeedka Turkiga.

Dalka Giriigga gabar iyo wiil kurayo ama dhowr iyo toban jirro ah ayaa ku dhintay markii uu ku dumay dhismo dushooda ah  oo ku yaal jaziiradda Samos.

SHARE