Dhulgariir ku dhuftay barriga Turkiga

648

Dhulgariir xoog badan ayaa waxa uu ku dhuftay bariga waddanka Turkiga, halkaas oo ay guryo ku soo dumeen ayna ku dhinteen ugu yaraan 18 qof.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in shan boqol oo qof oo kale ay dhulgariirka ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in kooxaha gurmadka degdega ah ay baadigoobayaan 30 qof oo ku xayiran burburka hoostiisa.

Dhul gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo ku cararyay waddooyinka.

Boqaal shaqaalaha samatabixinta ayaa lagu dabaalay gudaha iyo banaanka deegaankaasi.

Waxay isticmaalayeen, cagaf-cagafyo, agabka korontada iyo xitaa gacmahoodo si ay usoo samatabixaayn daka ku xayitan dhismooyinka buburay.

Dhul-gariirkan oo ah kii ugu horreyay ee ku dhufta deegaankaasi ayaa waxaa uu dadka ku riday argagax xooggan waxaana la sheegay in xitaa laga dareemay dalalka dariska la ah sida Suuriya, Lubnaan iyo Iran.

Sida ay sheegtay Wasaaradda ka Hortagga Musooboyinka Turkiga, ka dib dhul gariirka waxaa la diiwaan galiyay oo la dareemay ilaa lixdan dhul garir oo yar-yar oo aan dhibaato geysan.

Waxay wasaaraddu sheegtay in ilaa 400 oo ah kooxahaa samatabxiyaasha ay haatan ku sii wajahan yihiin deegaanka musiibadu ku habsatay kuwaasi oo sida teendhooyin iyo sariiro loogu talagalay dadka halkasi ku barakacay.

 Waxay sidoo kale maamulka ka digeen in aanan dib loogu laaban dhismooyinka ay waxyeellada soo gaartay haddii la dareemo calaamadaha dhul-gariirka.

Dhul-gariirka ayaanan ku cusubeyn Turkiga oo sannadkii 1999-kii waxaa galbeedka magaalada Izmit ku dhuftay dhul-gariir ay ku dhinteen ilaa 17, 000 oo qof.

BBC Somali