Dhimashada dhulgariirka ka dhacay Indonesia oo korartay

591
Dhulgariirka ku dhuftay dalka Indonesia ayaa waxa lagu la'yahay dad badan iyadoo ugu 281 qofna ay ku dhinteen. Sawirka: Reuters

Dad badan ayaa ku dhintay, kuwo kalena way ku dhaawacmeen halka kuwa kalena aan la helin wali markii dhulgariir ku dhuftay jasiiradda dalka Indonesia iyaga oo aan digniin aan aysan jirin Axaddii kadib markii ay qarxay foolkane biyo mareenada dhulka hoostiisa ah.

Saraakiisha ayaa u digay dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha in ay ka fogaadaan aagagga xeebaha ah ee suurogalka ah, iyada oo ay sii socdaan qarax ka dhashay foolkaanaha Anak Krakatau taasi oo suuro gal u noqon karta in ay ka dhalato sunaami labaad oo xun.

Ugu yaraan 281 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 1,000 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen halka 57 qofna la la’yahay iyada oo foolkanaha ka kacay xeebta waqooyi-galbeed ee Java, mid ka mid ah jasiiradaha waa weyn oo ka kooban waddanka, sida laga soo xigtay Sutopo Purwo Nugroho, oo ah madaxa xiriirka dadweynaha Hey’adda Masiibooyinka Qaranka Indonesia.

Tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa labaduba in ay sii kordhaan laga yabaa, sida saraakiisha ay sheegeen.

Nugroho wuxuu sheegay in in ka badan 600 oo guri ah iyo ugu yaraan sagaal huteel ay burbureen ama si xun u waxyeeleeyay sunaamidu. Ku dhawaad ​​12,000 oo qof ayaa ku barakacay.