Dhimashada cudurka Carona oo kor u kacday

795

Dhimashada cudurka Carona ayaa kor u kacday iyada oo Gobolka Hubei oo ah halka cudurka ka bilowday tirada dhimashadu ay gaartay 81 qof halka kiisaska cusub ee cudurka ay gaartay 2,147 qof.

Tiradaan cusub ee xanuunka Carona ayaa wadarta dadka qaba guud ahaan dunida ka dhigeysa 37,000 oo qof oo qaar ay xaaladoodu aad u liidato.

Fayraska Carona ayaa si dhaqso ah ugu faafay 30 dal oo dunida dacaladeeda ah, waxaana dalal badan ay joojiyeen duulimaadyada ka imaanayay Shiinaha. Dalalka qaar ayaa soo rogay hab cusub oo dadka lagu karantiilayo si loo yareeyo faafitaanka cudurka.

Dowladda Shiinaha ayaa qaadday tillaabooyin dhawr oo lagu hubinayo in cudurkun faafo, waxaana heyadda ugu sarreysa ee caafimaadka dalka Shiinaha ay amar ku bixisay in la gubo dadka u dhintay fayraska Carona .