New Delhi – Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxammed bin Salmaan, oo doonaya in uu xoojiyo xiriirka saaxiibtimo ee dalalka Aasiya, ayaa booqasho labo maalmood qadanaysa ku tagey caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi, iyada oo ay sii kordhayaan rajada laga qabo maalgashiga kadib socdaalkii uu ku soo maray Pakistan.
Boqor Maxammed bin Salmaan, ayaa magaalada New Delhi wadahadal kula yeelan doonaa Ra’iisal wasaaraha India Narendra Modi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan marka Arbacada kulmaan Boqor Salmaan iyo Ra’iisul Wasaare Modi ay ka mid yihiin “Ganacsiga iyo maalgashiga, difaaca iyo amniga, oo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagaxisada iyo tamarta la cusboonaysiin karo”
Labada dhinac ayaa sidoo kale la filayaa in ka wadahadlaan shirkadda wayn ee shidaalka ee Sacuudiga Aramco oo maalgashi ku kacaya 44 bilyan oo dollaar ku dhisaysa warshado ku yaalla galbeedka xeebta India.
Xiriirka ka dhaxeeya Hindiya iyo Sacuudiga ayaa xoogaystay labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Sacuudiga ayaa sidoo kale ilo dhaqaale u ah Pakistan oo ay Hindiya deris yihiin sidoo kale xiisad ay hadda ka dhex taagan tahay kaddib markii 42 ciidamada sida militariga u tabaran lagu dilay weerarka dhacay Gobolka Kashmiir ee lagu muransan yahay.
Hindiya aya Pakistan ku eedeeysay in kooxda weerarka geystay oo lagu magacaabo Jaish-e-Mohammad ay Pakistan taageerto. Pakistan ayaa dhankeeda weerarka cambaaraysay iyadoo iska fogaysay eedeynta Hindiya.