Dhawr oqf ayaa lagu dilay weerar toogasho ah oo ka dhacay xaruun madadaalo oo ku taalla magaalada Jackson ville ee gobolka Florida.Sidaas waxaa bartooda twitterka ku shaaciyay ciidanka booliska Maraykanka.
Taliyaha aagga ayaa sheegay in dad kale uu dhaawac ka soo gaaray, isaga oo intaa ku daray in dadka lagu booriyay in ay ka dheeraadaan goobta falku ka dhacay.
Qofkii weerarka geystay ayaa la xaqiijiyay in uu goobta ku dhintay, laakiin ma cadda in ciidanka ammaanku ay dileen iyo in kale.
Warbixinno kale oo goobta laga helay ayaa muujinaya in weerarku uu dhacay xilli uu socday tartan dhinaca ciyaaraha kombuterka ah oo ay dad badani ka qayb qaadanayeen.
Dad badan ayaa wali ku dhuumanaya qolalka dhismaha toogashadu ka dhacday, iyada oo booliskuna uu ugu baaqay in ay is dajiyaan.Ciidanka gaarka ah ayaa wali baaraya in uu jiro cid kale oo qayb ka aheyd weerarka dhacay.
Gobolkaan ayaa horay waxaa ugua dhacay weeraro sidaan oo kale ah oo ay ka mid yihiin weeraradii lagu kala qaaday xaruun caweys oo ku taalla Orlando sannadkii 2016 iyo iskoolka Majory Stoneman Douglas oo ku yaal Parkland ee gobolka Florida dalka Maraykanka oo la weeraray bishii labaad ee sannadkaan.