Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa Libya oo dalka dib loogu soo celiyay

754
lahaanshiyah sawirka: SONNA

Muqdisho (UM)  Waxaa maanta gegida diyaaraha ee Muqdisho ka soo degay 13 dhalinyaro ah kuwaas oo laga soo daayey xabsiyada dalka Liibiya.

Waxaa gegida diyaaraha ku soo dhaweeyay dhallinyaradaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay in dalkooda dib loogu soo celiyo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan xabsiyada dalka Libya iyo wada mida kale ee caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay ay waddo dadaalo dib dalka loogu soo celiyo dhalinyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran qaar ka mida Xabsiyada Caalamka, waxa ayna sheegtay inuu u hirgalay qorshayaal badan oo maxaabiista.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Siciid Fiqi oo wakaallada wararka SONNA la hadlay ayaa sheegay in qeybta Seddexaad ee maxaabiista ku xiran xabsiyada Libiya oo tiro ahaan gaareysa 48-ruux ay rajeynayaan in todobaadka soo socda lagu soo celiyo dalka Muqdisho.

Dalalka Itoobiya, Hindiya, Seychelles iyo Libya ayaa ka mid ah waddamada dowladda Soomaaliya ay horrey maxaabiis uga soo dasay.