Warbaahinta dalka Ingariiska ayaa sheegtay in saacaddihii lasoo dhaafay Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingariiska lagu dilay labo dhalinyaro Soomaaliyeed.
Sidda ay xaqiijiyeen ciidamada Booliska dhalinyaradda ayaa dilkooda waxaa loo adeegsaday Toorey xilli ay maraayeen Bartamaha magaalada London.
Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay waddaan baaritaano sababaha ka dambeeyay dilka wiilasha Soomaaliyeed.
Waxaa lagu kala magacaabo jirey dhalinyaradda la dilay Cusman Shidane oo 20-jir ah iyo C/raxmaan Jaamac oo 24-jir ah.
Sarkaal ka tirsan Booliska magaalada London oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradda la dilay muddo dheer ay deganaayeen Magaalada London ee Caasimadda dalka Britain.
Waxaa kordhay Bilihii lasoo dhaafay dilalka qorsheysan ee loo geysanaayo dhalinyaradda Soomaalida ah ee kunool Magaalada London.