Ciidamadda Militariga Soomaaliya ayaa sheegay inay ku guuleysateen isku furitaanka wadada isku xirta magaalooyinka Beledweyne iyo Buulobarde oo muddo sanooyin ay kala go’doomiyeen kooxda Alshabaab.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Generaal Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa sheegay in ciidamada xoogga ay bilabeen howlgallo lagu furayo jidadka xiran ee isku xira magaalooyinka dalka isagoo sheegay in qorshuhu yahay in Alshabaab laga xoreeyo degaanada ay ku suganyihin ilaa horaanta sanadka soo socda.
Ciidamadani ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaq ka waday degaanadda goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe iyadoo uu hore u shaaciyey hogaamiyaha maamulka Hirsbabeele Maxamed Cabdi Waare qorshe dagaal oo ka dhan ah Alshaab oo ujeedkiisu yahay sidii dib la iskugu furi lahaa wadada isku xirta Beledweyne ilaa iyo Muqdisho.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in la qorsheynayo in la isku furo jidadka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo, Kismaayo iyo Muqdisho iyadoo sida uu sheegay uu qorshuhu yahay in muddo kooban dib loogu soo celiyo isku socodkii caadiga ahaa ee degaanadda kala duwan ee dalka.
Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ayaa xusay in sannadka soo socda dalka laga saari doono Al-Shabaab, islamarkaana howlgalladaasi ay diyaar u yihiin ciidamada xoogga dalka.
Howlgaladda ay mudooyinka gobolada dalka ay ka fullinayaan ciidamadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo la hadal hayo in marka uu dhamaado howlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya lagu wado inay dowrkaas ay la wareegaan ciidamada Soomaaliya.