Dhageysiga baaritaanka xil ka qaadista Trump oo Washington ka bilowday

600

Dhageysigii ugu horreeyay ee dadweyne ee ku saabsan baaritaanka xil ka qaadista Madaxweyne Trump ayaa hadda ka socda magaalada Washington.

Trump ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku cadaadiyo dalka Ukraine in ay baaritaan ku sameeyaan siyaasiga uu la tartamayo, madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden laakiin wuxuu beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

Dibloomaasiyiinta saresare ee kala ah Bill Taylor iyo George Kent ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee caddeymo ka hor bixinaya xildhibaannada Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Dadaalka xil ka qaadista ayaa loo arkaa mid Trump xilka looga xayuubin karo- laakiin waa haddii kaliya aqalka Congressk-a u coddeeyo, Aqalka Senate-kana ay xukun ku ridaan.

Dhageysigaan ayaa ah kii afaraad ee ku saabsan xilka kaqaadista Trump ee taariikhda Mareykanka.

Guddoomiyaha Guddiga hoosaadka Aqalka Congress-ka Mareykanka sirdoonka Adam Schiff kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sidoo kale mudanayaasha Aqalka Congress-ka ka hor caddeynaya eedeymaha lagu haysto madaxweyne Trump ee arrinta Ukraine.